Arsenal Oo Garaacday West Brom & Wiilasha Arteta Oo Ku Cadho Bur-Buray Kooxda U Dagaalamaysa Sii Joogista Horyaalka.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday West Brom kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka Premier League kulan ay Arsenal cadhadii ka hadhista Europa league kula dul dhacday West Brom.

Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyava oo West Brom ku qaadayay weerar aan kala joogsi lahayn oo ay ku raadinayeen goolal ay ciyaarta ku furaan.

Daqiiqadii 29-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0 ay Gunners ku hogaaminayso.

Arsenal ayaa sii waday dadaalkooda iyaga oo u awood sheegtay kooxda Dhibaatoonaysa ee West Brom kuwaas oo aan isku dayo badan ku samayn goolka kooxda Arsenal xilli ay daafacyada Arsenal nasasho isaga jireen.

Daqiiqadii 35-aad ayay Arsenal sii dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana markan gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo u dheereeyay hogaanka kooxdiisa una xaqiijiyay in ay kulanka guul ka gaadhayaan marka loo eego in ayna West Brom weeraro badan qaadayn

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waliba u qalmeen in ay ku horeeyaan laabda gool ee ay dhaliyeen qaybta hore.

Qaybtii dambe ayay kooxda West Brom ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan xilli ay kooxda Arsenal qaab baqdin ku jirto ku bilaabatay qaybta dambe.

Daqiiqadii 68-aad ayay West Brom dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Matheus Pereira kaas oo ciyaarta dib u furay kooxdiisana ku soo celiyay ciyaarta.

West Brom ayaa samaysay isku dayo badan oo ay ku doonayso goolal laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka kubada waxana ay ku fashilmeen marar badan in ay kubada dhex dhigaan goolka.

Dhanka kale Arsenal ayaa kalsoonideeda dib u heshay waliba weeraro ku qaaday kooxda West Brom kuwaas oo ay doonayeen in ay kaga dhalyaan goolal ay ciyaarta ku dilaan gabi ahaanba.

Daqiiqadii 90-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Willian Kaas oo laad xor ah oo cajiib ah u dhaliyay kooxda Arsenal kana dhigay 3/1 ay Gunners ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay Ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul ay u qalantay cadhadii ka hadhista Europa league-na kula dul dhacday kooxda West Brom


Source: laacibfm

SHARE