Arsenal Oo Iska Iibinaysa Ugu Yaraan 5 Xiddig Suuqa Xagaaga & Alexandre Lacazette Oo Hogaaminaya.

Shan xiddig oo kooxda Arsenal ah ayaa halis ugu jira in laga iibiyo kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan maadama uu Mikel Arteta qorsheynayo dib u habeyn weyn xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii ay ka hadhay europa league Gunners ayaa la filayaa in ayna ka qayb qaadan tartamada yurub markii ugu horaysay muddo 25 sano ah xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu cadaadis xoogan saaranyahay in uu shaqada ka caydhiyo tababare Mikel Arteta hadana Milkiilaha kooxda Arsenal ayaa garab taagan tababaraha isaga oo waliba siin doona lacag uu suuqa ku galo xagaaga.

Sida laga soo xigtay The Telegraph 5 xiddig ayaa la filayaa in laga diro kooxda Arsenal suqua xagaaga iyada oo ay xiddigahaas ka mid yihiin Calum Chambers, Hector Bellerin, Alexandre Lacazette, David Luiz iyo Eddie Nketiah.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo xiddigo badalkooda ah marka ay xiddigahaas kooxda ka tagaan isaga oo heli doona lacag fiican oo uu ku xojiyo boosaska uu doonayo in uu xoojiyo suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE