Bruno Fernandes Oo Isku Qoray Taariikhda Kadib Goolkii Aston Villa

Xiddiga kooxda Bruno Fernandes ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa kulankii ay Man United guusha ka gaadhay kooxda Aston Villa horyaalka premier League.

Man United ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Villa Park

Bruno Fernandes ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolka bar-baraha kadib markii rikoodhe dhaliyay ciyaartana ku soo celiyay kooxdiisa.

Kadib goolkaas xiddiga Bruno Fernandes ayaa dhaliyay goolkiisii 27-aad xilli ciyaareedkan waana rikoodhka ugu fiican gool dhalinta xiddig khadka dhexe ah tan ilaa xilli ciyaareedkii 2009/2010.

Xiddigii ugu dambeeyay ee khadka dhexe ah ee premier League ka dhaliyay goolal intaas leeg ayaa ahaa xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Frank Lampard kaas oo sidaas darteed xilli ciyaareedkii 2009/2010.


Source: laacibfm

SHARE