Eden Hazard Oo Real Madrid Ka Badbaadiyay Guuldaro Ka Soo Gaadha Sevilla, Goolka Bar-Baraha Ayuu Daqiiqadihii Dhimashada Dhaliyay.

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la gashay kooxda Sevilla kadib kulan waali ahaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga

Qaybta Hore:

Kooxda Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo halis galiyay goolka kooxda Sevilla xilli ay raadinayeen goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 12-aad ayay Real Madrid dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema laakiin goolkaas ayaa la diiday kadib markii VAR lagu laabtay sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga Odriozola oo soo dhigay goolka.

Kooxda Sevilla ayaa daqiiqadii 22-aad u jaabtay Real Madrid waxana ay dhaliyeen goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Fernando kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Goolhayaha Kooxda Sevilla ee Buno ayaa kubad cajiib ah ka badbaadiyay weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Benzema daqiiqadii 31-aad isaga oo ciyaarta ku sii hayay hogaanka kooxdiisu hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Kooxda Sevilla hogaaminayso dhanka natiijada laakiin labada koooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Qaybta dambe:

Kooxda Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe waxana ay heleen fursad fiican daqiiqadii 65-aad laakiin xiddiga Vinicius ayaan ku fashilmay in uu kubada ku leexiyo goolka.

Daqiqiadii 67-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marcos Asensio kaas oo gool dhaliyay isla markii uu badal ku soo galay isaga oo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga Kroos.

Kooxda Sevilla oo ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah ayaa raadinaysay in dhaliso gool ay hogaanka ugu qabato ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 75-aad loo dhigay rikoodh kadib markii uu Goolhayaha Sevilla khalad ku galay Benzema laakiin VAR ayaa soo dhex gashay.

Halkii Real Madrid looga dhigi lahaa rikoodhe ayaa daqiiqadii 77-aad rikoodhe loo dhigay kooxda Sevilla kadib markii VAR Muujisay khalad lagu galay xiddig Sevilla ah ka hor intii aan khaladka lagu galin Karim Benzema.

Waxana daqiiqadii 78-aad rikoodada u dhaliyay kooxda Sevilla xiddiga Ivan Rakitic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Sevilla kana dhigay 2/1 ay ciyaarta ku hogaaminayso kooxdiisu.

Daqiiqadii 90+3-aad ayay kooxda Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu Eden Hazard sii taabtay laad xoogan oo uu Toni Kroos ku laagay goolka kooxda Sevilla isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ahayd mid waali ah labada kooxoodna ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah kulan ay Real Madrid bar-baraha keentay daqiiqadaha dhimshada.


Source: laacibfm

SHARE