Hordhac: Aston Villa Vs Man United, Arsenal Vs West Brohm & Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Ee Labadaas Kulan.

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Villa Park kulan soo gali doona 4:05 daqiiqo Galabta Wakhtiga Somaliya.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda West Brom kulan isagu ka dhici dhiina Emirates soona gali doona 09:05 Wakhtiga Somaliya.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wataan guulaha premier League Kuna dhawaadaan kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League ee Man City.

Dhanka kale Arsenal oo ku jirta xilli ciyaareed adag ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay sii wado dagaalka ku dhamaysiga boosaska tartanka Europa league.

XAQIIQOOYINKA KULAMADA:

Kooxda Aston Villa ayaa badisay kaliya hal kulan 44kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Manchester United.

Arsenal ayaa badisay 10 ka mid ah 12 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay West Brom, kaliya waxa ay guuldareysatay November 2004 (1-1) iyo September 2010 (2-3).

Aston Villa ayaa shabaqeeda ilaashatay 14 kulan xilli ciyaareedkan waana intii ugu badnayd xilli ciyaareed kaliya tan ilaa 2009/2010 markaas oo ay 15 kulan shabaqooda ilaashadeen.

Man Utd ayaan laga badinin 24 kulan oo Premier League ah ah oo ay marti ahaayeen waxana ay kaliya 3 kulan ka dambeeyaan rikoodhkii Arsenal dhigtay intii u dhexaysay bishii April 2003 iyo Septemer 2004 Sidoo kale lagama badinin 21 kulan oo ay ku ciyaareen Villa Park tartamada oo tan ilaa 1995.

Tababaraha West Brom Sam Allardyce waligiis kuma guuleysan Arsenal kulamada horyaalka Premier League waxaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah sagaalkiisii ​​kulan ee ugu dambeysay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE