Hordhac: Real Madrid Vs Sevilla: Los Blancos Oo Hogaanka U Qaban Karta Horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Alfredo Di Stéfano kana tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in guul ay gaadhaan in ay ka caawin doonto in ay hogaanka u qabato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waliba talaabo u qaado difaacashada horyaalka.

Dhanka kale kooxda Sevilla oo dhankooda wali fursad haysta ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya 3-da dhibcood ee kulanka si ay ugu sii riyoodaan hanasahda horyaalka.

Kulanka: Real Madrid Vs Sevilla

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo Di Stéfano

XAQIIQOOYINKA KULANKA;

Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ka hor tagtay kooxda Sevilla iyaga oo 3 ka mid ah shabaqooda ilaashaday.

Real Madrid ayaa badisay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti galisay Sevilla horyaalka La Liga waana rikoodhkooda ugu dheer ee guuldaro la’aata ay ku leedahay kooxda Sevilla.

Kooxda Sevilla ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee martida ee horyaalka La Liga laakiin 4 kulan oo xidhiidh ah ma badin tan ilaa bishii September 2010.

Kooxda Sevilla ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen horyaalka La Liga lana ciyaareen kooxaha Ka dhisan maagalada Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE