Juventus Oo Barcelona Ka Diiday Dalab Ay Ku Doonaysay Xiddig U Ciyaara Kooxdeeda

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona ka diiday isku day cusub oo ay kooxdu ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt sida ay sheegayaan wararku.

Blaugrana ayaa doonaysay saxiixa daafaca dhexe xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa ku biiray kooxda Juventus kadib markii ay Barcelona diiday in ay bixiso lacagtii ay Ajax dalbanaysay.

Xiddiga reer Holland ayaa 75 milyan oo euro ugu biiray kooxda Juventus xagaagii waxana uu soo qaatay xilli ciyaareed isku jir ah taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in ay Juventus doonayso in ay iska iibiso xiddiga.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in ay Juventus diiday dalab Rasmi ah oo ay Barcelona ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe iyaga oo u sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin in ay iibiyaan xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay sii haysato xiddiga maama uu xiddigu mustaqbal ku leeyahay kubada cagta iyo kooxda lafteedaba.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE