Koox premier League Ah Oo Man United Kaga Horaysa Baacsiga Harry Kane.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga 17 jirka ah ee Tottenham ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Man City marka la gaadho suuqa xagaaga

Kane ayaa ku jira xilli ciyaareed xoogan isaga oo dhaliyay 31 gool 16 kalena caawiye ka noqday 46 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa bilaa koob ah tan ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, inkasta oo uu xiso ka helayo Man City iyo Man United, hadana chelsea ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyaga oo waliba diyaar la ah lacag badan si ay u helaan Kane suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE