Kooxaha Qaabka Xidhiidhka Ah Ee Ugu Badan Ugu Guulaystay Horyaaladooda Oo La Shaaciyay.

Kooxda Bayern Munich ayaa markii 9-aad oo xidhiidh ah ku guulaystay horyaalka Bundesliga xalay kadib markii ay kooxda RB Leipzig guuldaro kala kulantay kooxda Boruusia Dortmund.

Bayern Munich ayaa sii dheeraystay guulaha xidhiidhka ah ee ay ku guulaystay horyaalka Bundesliga kadib markii 9-aad oo xidhiidh ah u dabaal dagtay ku guulaysiga horyaalka dalkeeda.

Kooxda Bayern ayaa bar-baraysay kooxda Juventus oo xilli ciyaareedkii hore 9 jeer oo xidhiidh ah u dabaal dagtay horyaalka Serie A-da ka hor inta ayna xilli ciyaareedkan u waayin kooxda Inter Milan.

Kooxda Lyon ayaa ah kooxda 3-aad ee tirada ugu badan ee xidhiidhka ah guulaystay horyaalka Dalkeeda iyaga oo ku guulaystay 7 jeer oo xidhiidh ah.

Kooaha Real Madrid iyo Fc Porto ayaa ku xiga oo min 5 jeer oo xidhiidh ah ku kala guulaystay horyaalada dalkooda Spain iyo Portugal.

Kooxaha PSV iyo Ajax ayaa dhankooda horyaalka Holland min 4 jeer oo xidhiidh ah ku guulaystay halka ay Man United 2 jeer ku guulaystay min 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah premier League.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE