Man United Oo Dajisay Qorshe Ay Edinson Cavani Ugu Qancinayso In Uu Sii Joogo Kooxda.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kor u qaado mushaharka Edinson Cavani hadii uu ogolaado inuu heshiis cusub u saxiixo Old Trafford.

Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ayaa ku bilowday qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu yimid Man United suuqii xagaagii la soo dhaafay isagoo dhaliyay 14 gool shanna caawiye dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee mustaqbalka Cavani ee Man United ayuu shaki ku jiraa iyada oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono bilo yar kadib waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Cavani ayaa sii joogi kara kooxda hal sano oo kale hadii uu ogolaado xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu sii joogo xiddigu kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Cavani ayaa haatan mushahar ahaan u qaata lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii laakiin kooxda ayaa diyaa ru ah in ay kor u qaado mushaharkiisa kana dhigto 250 kun oo Gini haddii uu sii joogo xilli ciyaareedka 2021-22.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE