Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Aston Villa Soona Yaraysay Dhibcihii Ay Ka Dambaysay Man City.

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Vila Park.

Kooxda Aston Villa ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo United ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayd xilli ay Man United si aad ah u dhibaatotay qaybtii hore ee ciyaarta.

Aton Villa ayaa samaysay weeraro halis ah oo ay ku doonayeen in ay ku furaan goolasha xilli ay Man United u muuqdeen kuwo hurda oo aan kulanka gabi ahaan soo xaadirin.

Daqiiqadii 24-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bertrnad Traore kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Man United ayuu goolkaas hurdada ka kiciyay waxana ay bilaabeen raadinta goolka bar-baraha iyaga oo  maamulayay ciyaarta laakiin si weyn ugu dibaatooday in ay dhaafaan daafaca kooxda Aston Villa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United ku dambayso ciyaarta sidoo kale ku dhibaatootay dhanka qab ciyaareedka qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen una dhalin lahaayeen goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiiqadii 52-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale iyaga oo doonaya in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka uu qabtaan.

Daqiiqadii 56-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.

Red Devils ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay ku disho ciyaarta xilli ay Aston Villa dhankeeda samaysay isku dayo ay ku dhaliso goolal kale.

Daqiiqadii 87-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Edinson Cavani kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Man United ku hogaaminayso.

Aston Villa ayaa 10 xiddig ku dhamaysay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta kadib markii xddiga Ollie Watkins loo taagay kaadhka cas kadib markii is tuuray si rikoodhe loogu dhigo isaga oo kaadh digniin ah haysta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul soo laabashada leh ka gaadhay kooxda Aston Villa iyaga oo 10 dhibcood u jira kooxda Man City xilli 3 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE