Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Harry Kane Kadib Markii Uu Xiddigu Ka Baxay Kulankii Aston Villa

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in uu ka wal-walsanyahay dhaawaca soo gaadhay kabtankiisa Harry maguire kadib guushii Aston Villa.

Maguire ayaa ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah premier League xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu dhaawac uga baxay kulankii Aston Villa qaybtii dambe ee ciyaarta.

Daafaca dhexe ee reer England ayaa ka dhaawacmay kuraanta waxana uu isku dayay in uu sii wado ciyaarta kadib markii uu daawayn qaatay laakiin waxa uu ugu dambayn ku qasbanaaday in uu ciyaarta ka boxo.

Man United ayaa todobaadyada soo socda ciyaari doonta kulamo badan kana mid yahay final-ka Europa league xilli ciyaareedkan oo ay la ciyaari doonto kooxda Villarrea.

“Waxa laga yaabaa in uu dhaw todobaad maqnaado”ayuu Solskjaer yidhi markii wax laga waydiiyay xaalada Maguire.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE