Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday.

Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuusan kujirin wax khatar ah oo deg deg ah oo uu ku waayi karo shaqadiisa tababaraha Arsenal waxana la siin doonaa lacag fiican oo uu ku xoojiyo kooxdiisa suuqa xagaaga.

Gunners ayaan ka ciyaari doonin champions League xilli ciyaareedka dambe sidoo kale waxa ay halis ugu jirtaa in ay seegto Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu xanuunka Korona saamayn weyn ku yeeshay kooxda Hadana kooxda Arsenal ayaa la filayaa in ay suuqa si xoogan u gasho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arsenal samayn doonto 3 saxiix oo waaweyn marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga xili ay Milkiilayaasha kooxdu doonayaan in ay dib u helaan kalsoonida taageerayaasha.

Kooxda Arsenal ayaa aatan ku jirta kaalinta 10-aad iyaga oo leh 49 dhibcood iyada oo kaliya 4 kulan uga dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE