Rikoodhka Kulamada Waaweyn Ee Kooxda Barcelona Oo Ah Mid Aad U Liita Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa kulamada waaweyn xilli ciyaareedkan iyada oo aan kulamo badan guul gaadhin mara ay ka hor tagto kooxaha waaweyn tartamada oo dhan.

Barcelona ayaa caan ku ahayd in ay iska celiso waliba garaacdo kooxaha waaweyn ee reer yurub hadii ay yihiin horyaalka La Liga ama tartanka champions League.

Laakiin xilli ciyaareedkan koxda Barcelona ayaa si weyn ugu dhibaatootay kulamada ay la ciyaartay kooxaha waaweyn ee reer yurub kulamada oo dh.

Barcelona ayaa ciyaartay Kulan oo ay la ciyaartay kooxo waaweyn kana tirsan horyaalka La Liga iyo tartanka champions league marka loo eego labada kulan ee horyaalka La Liga iyo kulamada champions League ee labada lugood.

Kooxda Barcelona ayaa kaliya badisay hal kulan halka ay bar-baro gashay 2 kulan iyada oo laga badiyay 5 kulan oo kale kulamada ay la ciyaartay kooxaha waaweyn.

Barcelona ayaa laga dhaliyay 14 gool 8-dii kulan ee ay la ciyaartay kooxaha waaweyn iyaga oo dhaliyay kaliya 6 gool kulamadaas.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE