Xiddig Muhiim Ah Oo Real Madird Ka Maqnaan Doona Kulanka Sevilla Ee Caawa.

Waxa uu war xun u soo baxay kooxda Real Madrid sabtidii kadib markii la shaaciyay in uu Sergio Ramos mar kale dhaawacmay waxana haatan soo baxay warar kale oo sheegaya in uu xiddiga Ferland Mendy dhaawac ku seegi doono kulanka Sevilla ee caawa.

Mendy ayaa Ku biiray Liiska xiddigaha dhaawaca uga maqan kooxda Real Madrid ee ay ka midka yihiin Ramos, Varane, Carvajal iyo Lucas Vazquez.

Tababare Zidane ayaa liiska xiddigaha uu kaga hor tagayo Sevilla ku soo daray xiddigaha da’yarka ah ee Miguel Gutierrez & Antonio Blanco kuwaas oo ku tartami doona booska Mendy.

Warkan ayaa ah mid aan u fiicnayn kooxda Real Madrid marka loo eeg in ay u tartamayaan horyaalka La Liga waliba la ciyaari doonaan kooxda Sevilla oo dhankooda ku tartamaya premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 3 Sababood Oo Dumarku Ugu Adag Tahay In Ay Iloobaan Jacaylkooda Ugu Horeeya.


Source: laacibfm

SHARE