5 Xiddig Oo Isaga Caraabi Doona Juventus Hadii Ay Seegaan Champions League.

Kooxda Juventus ayaa wajahaysa suurtagalnimo ay ku seegi karto champions League xilli ciyaareedka dambe kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaadhay Ac Milan Sabtidii.

Anrea Pirlo ayaa wakhti adag ku qaatay kooxda Juventus isaga oo kaliya 20 kulan guul ku hogaamiyay kooxda 35 kulan oo ay ciyaareen Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Guuldaradii ka soo gaadhay Ac Milan ayaa xaalka ku adkaysay kooxda Juventus iyaga oo haatan halis ugu jira in ay seegaan champions league xilli ciyaareedkan dambe maadama ay ku jiraan kaalinta 5-aad.

Hadaba wargayska Star Sport ayaa shaaciyay liiska 5 xiddig oo laga yaabo in ay isaga tagaan Juventus hadii ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Cristiano Ronaldo, Matthijs de Ligt, Paulo Dybala, Alex Sandro Iyo Dejan Kulusevski ayaa la magacaabay in ay yihiin xiddigaha laga yaabo in ay isaga tagaan kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ay seegto kooxdu champions League.


Source: laacibfm

SHARE