Arsenal Oo Calaamadsatay Badalka Mikel Arteta, Waa Tababare Horay Uga Soo Shaqeeyay Premeir League

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay tababarhii hore ee kooxda chelsea ee Maurizio Sarri u calaamadsatay badalka Mikel Arteta hadii ay shaqada ka caydhiso tababaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wali aaminsantahay Mikel Arteta laakiin waxa ay isku diyaarinaysaa suurtagalnimada ay shaqada uga caydhin karto tababaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan ama xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal Mikel Arteta u calaamadsatay in uu Sarri yahay badalka ugu macquulksan ee ay ku badali karaan Mikel Arteta hadii uu ka tago kooxda.

Tababare Maurizio Sarri ayaa haatan bilaa koox ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada kooxda chelsea dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2018/2019.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ayna Arsenal wax qorshe ah u hayn in ay shaqada ka caydhiso Mikel Arteta laakiin Tababare Maurizio Sarri u diyaarsatay hadii ay si lama filaan ah Arteta uga caydhiso shaqada.


Source: laacibfm

SHARE