Barcelona Oo Si Weyn Uga Xanaaqsan Neymar, Sabab

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn uga xanaaqsan xiddiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo ay aaminsanyihiin in uu u Isticmaalay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ayuu heshiiskiisu dhacayay xagaaga 2022 waxana si weyn loola xidhiidhinayay u laabashada kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Neymar ayaa ugu dambayn qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2025 heshiiskaas ayaana ka xanaajiyay maamula koxda Barcelona.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Neymar ku laabashadiisa Barcelona u Isticmaalay sidii uu kooxdiisa haatan ee PSG uga heli lahaa heshiis wakhti dheer ah taas oo uu ka helay.

Xiddiga Neymar ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday dhaawacyo waxana uu dhaliyay 7 gool halka uu sidoo kale sameeyay 5 caawin 15 kulan oo uu ciyaaray.


Source: laacibfm

SHARE