Edinson Cavani Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Ole Gunnar Solskjaer Ka Dhigay Man United Waayihii Uu Ciyaarayay.

Edinson Cavani ayaa barbareeyay rikoor uu dhigay tababarihiisa Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ka dib markii uu gool ka dhaliyay Aston Villa.

Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League iyada oo Man United ku badisay 3/1.

Edinson Cavani ayaa badal ku soo galay qaybta dambe ee ciyaarta laakiin dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa dhaliyay goolkii 8-aad 7 kulan oo uu ciyaaray waxana uu sii wataa qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa.

Laakiin sidoo kale waxa uu dhaliyay goolkii 5-aad ee uu kaydka kala soo kacay isaga oo bar-bareeyay rikoodhka oo uu Solskjaer u dhigay Man United xilli ciyaareedkii 1998/1999 markaas oo uu Solskjaer dhaliyay 5 gool oo uu kaydka kala soo kacay.


Source: laacibfm

SHARE