Edinson Cavani Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Cusub Oo Man United Ah, Imisa Ayuu Saxiixay?

Edinson Cavani ayaa qalinka ku duugay heshiis kordhin hal sano ah oo uu kula sii joogayo Manchester United, ka dib wadahadalo uu la yeeshay kooxda.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku adkaysanayay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga weerarka ka ciyaara ugu yaraan xilli ciyaareed kale haatan waxa ay kooxdu haatan la gaadhay kooxda.

Cavani, oo 34 jir ah, ayaa saxiixay ilaa xagaaga 2022 ka dib markii uu diiday dalab uga yimid kooxda Boca Juniors si uu hal xilli ciyaareed kale ugu qaato Kooxda Man United.

Heshiis kordhinta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo sida ugu dhaqsaha badan ka hor kulan ay Man United la ciyaari doonto Leicester City Salaasada.

Heshiis Kordhinta Cavani ayaa imanaya kadib markii uu Cavani qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay waliba goolal dhaliyay kulamadii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm

SHARE