Eduardo Camavinga Oo Fariin U Diray Kooxaha Doonaya Saxiixiisa

Da ‘yarka Eduardo Camavinga ayaa qirtay inuu ku faraxsan yahay in lala xiriirinayo ee Real Madrid iyo Bayern Munich – laakiin wuxuu sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes, oo ka soo muuqday Champions League xilli ciyaareedkan, ayaa u ciyaaray 37 jeer kooxda Christophe Galtier ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdiisu hal dibic ka dambayso kooxda kaalinta 5-aad ee Marseille.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta waxana uu xiiso ka helayaa kooxaha Real, Bayern Munich iyo Man United xilli heshiiskiisa kooxda Rennes dhici doono sanadka dambe laakiin waraysi uu siiyay wargayska AS ayuu ku sheegay in uu doonayo in uu diirada saar ciyaarista.

“Waxa ay iga dhigaysaa mid faraxsan, waa wax fiican in kooxo Real Madrid iyo Bayern Munich oo kale xiiso u qabaan saxiixaaga, been sheegi maayo, laakiin wali ma aanan go’aansan qoyskeyga iyo waxa aan sanayn doono”ayuu yidhi.

Kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga si la mid ah kooxda Man United waxana la filayaa in uu isaga tago kooxdiisa Rennes xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE