Erling Braut Haaland Mise Harry Kane? Xiddiga Ay Barcelona Doorbidayso Oo La Ogaaday.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay mudnaanta siineyso inay u dhaqaaqdo xiddiga Borussia Dortmund Erling Braut Haaland iyadoo ka doorbideysa weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane.

Xilli ay Tottenham ku dhawdahay in ay xilli ciyaareed kale ku dhamaysato koob la’aan waliba u soo bixi waydo champions league xilli ciyaareedka dambe Harry Kane ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Kabtanka xulka England ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Man United iyo Man City laakiin waxa uu dhankuusa doonayaa kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee wargayska SPORT ayaa sheegaya in Haaland ay tahay bartilmaameedka koowaad ee Barca, halka Xiddiga Inter Milan Lautaro Martinez uu sidoo kale ka sareeyo Kane liiska Blaugrana.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Barcelona la xidhiidhay wakiilada xiddiga laakiin Barcelona ayaa ka wal-walsan in uu xiddiga 27 jirka ah la qabsan waayo horyaalka La Liga.


Source: laacibfm

SHARE