Halka La Kala Marayo Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 35-aad Ee Xilli Ciyaareedka.

Waxa la ciyaaray todobaadkii 35-aad ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kadib Sabtidii iyo Axadii kala saraynta horyaalka La Liga ayaanan wax weyn is badalin todobaadkan.

Waxa si weyn loo filayay in uu is badal ka dhoco kala saraynta horyaalka La Liga todobaadkan marka loo eego kulamada waaweyn ee la ciyaaray todobaadkan isagana hor yimaadeen kooxaha ugu sareeya.

Atletico Madrid ayaa la ciyaartay kooxda Barcelona halka ay Real Madrid la ciyaartay kooxda Sevilla kuwaas oo ah 4-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Dhamaan kulamadaas ayaa ku dhamaaday bar-baro iyada oo Atletico Madrid iyo Barcelona ku kala bexeen bar-baro 0/0 ah ka hor inta ayna Sevilla iyo Real Madrid ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah.

Arintaas ayaa la macno a in ayna waxba iska badalin tartanka kala saraynta iyada oo kooxda Atletico Madrid wali hogaaminayso horyaalka La Liga 2 dhibcoodna ka horayso kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Image


Source: laacibfm

SHARE