Kylian Mbappe Oo Heegan Galiyay Kooxaha Liverpool & Real Madrid

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu hakad geliyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee kooxda PSG.

PSG ayaa dhawaan heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Neymar waxana la rumaysanyahay in ay haatan isku diyaarinayso in ay Mbappe heshiis cusub ka saxiixato.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga Mbappe ayaa joojiyay in uu wadahadalo la furo kooxda PSG isaga oo ka fiirsanaya mustaqbalkiisa kooxda ka hor inta uuna heshiis cusub saxiixin.

Wargayska Telefoot ayaa sheegaya in uu Mbappe doonayo in uu si fiican u qiimeeyo xaaladiisa kooxda ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiis cusub oo kooxda PSG.

Warkan ayaa heegan galinaya kooxaha Real Madrid iyo Liverpool kuwaas oo xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga 22 jirka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.


Source: laacibfm

SHARE