Liverpool Oo Badalka Roberto Firmino Ka Heshay Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Leeds United ee Patrick Bamford sida ay sheegayaan wararu.

Xiddiga 27 jirka a ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xilli ciyareedkan inkasta oo uu horay kooxo premier League ah ugu soo fashilmay.

Patrick Bamford ayaa dhaliyay 15 gool oo premier League ah halka uu caawiye ka noqday 8 kale kulamada oo dhan xilli ciyaareedkan qaab ciyaareedkiisa ayaana soo jiitay Jurgen Klopp.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool xiiso dhab ah u muujisay saxiixa xiddiga kaas oo uu Jurgen Klopp taageero weyn yahay marka la eego qaab ciyaareedkiisa.

Heshiiska Patrick Bamford ee kooxda Leeds United ayaa dhici doona sanadka 2023 waxana ay Liverpool u aragtaa in uu yahay badalka xiddiga Roberto Firmino kaas oo ku dhibaatoonaya dhinaca qaab ciyaareedka.


Source: laacibfm

SHARE