Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Chelsea Ee Mohamed Salah.

Wargayska The Athletic ayaa shaaca ka qaaday mawqifka kooxda Liverpool ee xiisaha chelsea ee saxiixa Mohamed Salah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Mohamed Salah ayaa lala xidhiidhinayay kooxda chelsea maalmihii ugu dambeeyay kadib markii uu wargayska Bild sheegay in uu Thomas Tuchel doonayso saxiixa xiddiga reer Masar.

Salah ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea ka hor intii uuna ku soo laaban premier League xagaagii 2017 isla markaasna ka mid noqon xiddigaha ugu fiican premier League.

Tababare Tuchel ayaa Salah ku daray Liiska xiddigaha uu doonayo suuqa xagaaga si uu u dhiso koox Man City kula tartanta Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna Liverpool ka fikirayn in ay Mohamed Salah ka iibiso koox kula tartamaysa premier League sidaas darteed ayna suurtagal ahayn in uu Mohamed Salah ku laabto Chelsea.


Source: laacibfm

SHARE