Mason Greenwood Oo Jabiyay Rikoodh Uu Wayne Rooney Ka Dhigay Man United.

Mason Greenwood ayaa jabiyay rikoorkii Wayne Rooney wuxuuna taariikh cusub ka dhigay Manchester United kulankii Aston Villa.

Kadib markii uu ku dhibaatooday goolasha bilowii xilli ciyaaredkan, Greenwood ayaa ku riyaaqaya qaab ciyaareed fiican dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo haatan dhaliyay goolashiisii ugu badnaa 5 gool-na dhaliyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Xiddiga ka soo baxay Akademiyada ayaa samaystay sumcad fiican kadib markii soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu u so dalacay kooxda 1-aad.

Goolkii uu Greenwood ka dhaliyay Aston Villa ayaa ahaa Goolkii 16-aad ee uu ka dhaliyay Premier League waxana uu haatan noqday da’yarka ugu goolasha badan taariikhda Man United isaga oo dhaafay Wayne Rooney oo dhaliyay 15 gool markii uu da’yarka ahaa.


Source: laacibfm

SHARE