Pep Guardiola Oo Fariin U Diray Chelsea Ka Hor Final-ka Champions League

Pep Guardiola wuxuu ayaa sheegay in guuldaradii labaad ee Manchester City kasoo gaarta Chelsea muddo seddex isbuuc ah aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin marka ay labada koox ku kulmaan finalka Champions League dhamaadka bishan.

Man City ayaa iska khasaarisay fursad ay ugu guulaysan lahayd horyaalka premier League kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda chelsea kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Chelsea ayaa sidoo kale garaacday Man City markii ay labada kooxood ku kulmeen Semi-final-ka FA cup-ka bishii hore laakiin labada kulanba Guardiola ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa.

“Aad ayaan u hubaa finalka Champions League inaan diyaar u noqon doono inaan tartano oo aan ciyaarno kulanka ugu fiican ee aan awoodno,” ayuu Guardiola yidhi.

“Hada FA Cup iyo Carabao Cup waa dhamaadeen, waa inaan diirada saarnaa ku guuleysiga Premier League. Weli waa inaan helnaa dhibcaha – markaan helno dhibcaha waxa aan ku guulaysan doonaa horyaalka”.


Source: laacibfm

SHARE