Thomas Tuchel: Waan Ku Guulaysan Karnaa Champions league Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Thomas Tuchel ayaa sheegay in Chelsea ay isku diyaarin doonto finalka Champions League iyagoo aaminsan in ay garaaci karaan Manchester City.

Kooxda Tuchel ayaa haatan garaacday kooxda ay Final-ka isku arki doonaan 2 jeer dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay kadib guushii2/1 ahayd ee ay kaga gaadhay Premier League Sabtidii.

Chelsea ayaa sidoo kale garaacday Man City bishii Hore kulan ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka FA Cupka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha chelsea ayaa sheegay in ayna natiijooyinkan wax saamayn ah ku yeelan doonin Final-ka laakiin sidoo kale sheegay in ayna dhaawici doonin kalsoonidooda.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan horay u sheegay in ayna waxba badali doonin natiijada kulamadii la soo dhaafay”.

“Waxa aan ku adkaysan doonaa arintaas laakiin waxa aan hubaa in ayna faa’iido xumo ahayd in aan haysano khibradaas ah in aan laba jeer garaacnay muddo gaaban”.

“Waan ognahay in aan hadii aan si fician u ciyaarno in aan garaaci karno kooxda Man City kuna guulaysan karno champions League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE