WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Daafaca Haatan Ugu Fiican Oo La Soo Saaray

Booska khadka dhexe ee daafaca ayaa inta badan si weyn loo dhayalsadaa.

Guusha booskaas ayaa laf dhabar u ah kubada cagta waana boos muhuum u ah kubada cagta iyada oo kooxda booskaas ka fiican tahay koox aan loo babac dhigi karin.

Laakiin inta badan xiddigaha tayada leh ee booskaas ka ciyaara ayaa inta badan la dhayalsadaa mana jirto amaan ku filan oo ay helaan marka loo bar-bar dhigo boosaska kale ee kubada cagta.

Horyaalka premier League ayaa u muuqda mid ku hubaysan xiddigaha khadka dhexe ee daafaca iyada oo Liiska la soo saaray u badan yihiin xiddigo ka ciyaara horyaalka premier League.

Hadaba shabakada Star Sport ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku soo saartay 10-ka xiddig ee khadka dhexe ee daafaca ee ugu fiican kubada cagta haatan.

1: Joshua Kimmich- Bayern Munich

2: Casemiro- Real Madrid

3: Fabinho- Liverpool

4: N’Golo Kante- Chelsea

5: Thomas Partey- Arsenal

6: Rodri- Manchester City

7: Fernandinho- Manchester City

8: Sergio Busquets- Barcelona

9: Wilfred Ndidi- Leicester City

10: Denis Zakaria- Borussia Monchengladbach


Source: laacibfm

SHARE