XASAASI: Juventus Oo Loo Dhaadhicin Karo Horyaalka Serie B, Sabab.

Xidhiidhka Serie A-da ayaa lagu soo waramayaa in ay Juventus u sheegtay in loo dhaadhicin doono Horyaalka heerka 2-aad ee Serie B-da hadii ay ka bixi waydo tartanka European Super League.

Kooxda Juventus ayaa ka mid ahayd kooxo badan oo aas-aasay tartanka European Super League kaas oo muran badan ka dhaliyaya kubada cagta todobaadyadii la soo dhaafay.

Laakiin tartanka ayaa bur-buray kadib markii ay kooxaha intooda badan ka bexeen tartanka kadib cadaadis ay kala kulmeen taageerayaasha kooxooda.

Si kasta ha ahaatee kooxda Juventus ayaa ka mid ah 3 kooxood oo aan wali ka bixin tartanka iyada oo wali kula jirta kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo ku adkaysanaya ku sii jirista tartanka.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xidhiidha Serie A-da Juventus u sheegay in laga reebi doono horyaalka hadii ayna sida ugu dhakhsaha badan uga bixin tartanka European Super League.


Source: laacibfm

SHARE