Xiddigaha Ka Maqnaan Kara Kooxaha Atletico Madrid Iyo Real Madrid Kulamada Ka Hadhay Horyaalka La Liga

Waxa ay 3 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kaas oo ku sii dhawaanaya in uu damaado iyada oo ay 3 kooxood u tartamayaan ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee waxa jira xiddigo halis ugu jira in ay seegaan kulamada soo socda ee kooxdooda sabab la xidhiidha ganaaxyo dusha laga saari karo.

Kooxda Barcelona ayaa halis uu jirta in ay waydo adeega xiddigaha 6  xiddig halka ay Atletico Madrid waayi karto 5 xiddig halka ay Real Madrid hal xiddig waayi karto kulamada soo socda.

Xiddigaha Lionel Messi, Gerard Pique, Antoine Griezmann, Frenkie de Jong, Oscar Mingueza & Jordi Alba ayaa dhamaantood halis ugu jira in ay ganaax ku seegaan kulaamda Barcelona ee soo socda.

Xiddigaha Stefan Savic, Koke, Mario Hermoso, Saul Niguez & Thomas Lemar ayaa dhanka Atletic Madrid halis ugu jira in ay ka maqnaadaan kulamada kooxda Atletico Madrid ee soo socda.

Ugu dambayn xiddiga Casemiro ayaa ah xiddiga Real Madrid ee halista ugu jira in uu ka maqnaado kooxdiisa sabab la xidhiidha ganaax maadama uu haatanba haysto 5 kaadh oo digniin ah.


Source: laacibfm

SHARE