Yves Bissouma Oo Heegan Buuxa Galiyay Kooxaha Arsenal, Liverpool, Manchester City

Xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Yves Bissouma ayaa lagu soo waramayaa inuu codsaday kooxda Brighton inay u ogolaato inuu ka tago kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 2 gool 36 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Arsenal, Liverpool iyo Manchester City ayaa lala xiriiriyay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe bilihii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay The Times, Bissouma ayaa weydiisatay Brighton inay u ogolaadaan inuu ka tago suuqa soo socda iyada oo xiddiga lagu qiimeeyo lacag dhan 30 milyan oo euro.

Bissouma, oo saftay 33 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda ku ciyaarta Amex kula jiraa heshiis dhici doona bisha June ee sanadka 2023.


Source: laacibfm

SHARE