Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Bernd Leno Kadib Khaldaadkii Uu Sameeyay Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay iska iibiso Goolhayaha 1-aad ee Bernd Leno si ay u hesho lacag ay kooxda ku xoojiso suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Leno ayaa ahaa dookha 1-aad ee tababare Mikel Arteta sanadkii hore inkasta oo uu Goolhaye Emiliano Martinez qaab fiican soo bandhigay kaas oo ka tagay kooxda xagaagii.

Goolhayaha ayaa sameeyay khaladaad waali ah xilli ciyaareedkan kuwaas oo sabab u noqday in ay kooxdu lumiso dhibco badan tartamada oo dan.

Tababare Mikel Arteta ayaa qorshaynaya in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxdiisa wargayska Football London ayana sheegaya in ay Arsenal iska iibinayso Goolhayahay reer Germany suuqa xagaaga.

Goolhayaha reer Germany ayaa Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah lakiin waxa uu Tababaruhu doonayaa in uu iska iibiyo Goolhayaha marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE