Aymeric Laporte Oo Xulka Spain U Ciyaari Doona Tartanka Euro 2020.

Waxa soo baxaya warar sheegaya in xiddiga u dhashay France ee daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Aymeric Laporte in uu matali doono xulka Spain koobka qaramada yurub ee xagaagan.

Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa ka codsaday agaasimayaasha xiriirka kubada cagta Spain inay tixgeliyaan suurtagalnimada ay xiddiga reer France ugu yeedhi karaan xulka qaranka Spain todobaadyada soo socda.

Xddoha laftiisa ayaa diyaar u ah in uu matalo xulka Spain isaga oo haatanba bilaabay diyaarinta warqada uu uga qayb qaadan doono liiska xulka qaranka Spain ee la soo saari doono 21 bisha May.

Xidhiidhka Spain ayaa sugaya xaqiijinta FIFA laakiin waxa haatan kaliya loo arkaa arin aan dhici karin.

Laporte ayaa u dhashay dalka france waxana uu ku soo bbiiray Athletico Bilbao isaga oo da’yar ah ka hor inta uuna 65 milyan ugu biirin kooxda Man City.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa matalay da’yarka xulka qarankiisa laakiin wali kama soo muuqan xulka qaranka kooxda 1-aad waxana uu tababaraha France si cad u sheegay in uuna xiddigu ka mid ahayn qorshihiisa.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE