Barcelona & Juventus Oo Laba Xiddig Is Dhaafsanaya & Miralem Pjanic Oo Ka Mid Ah Mar Kale.

Wakhtigii Miralem Pjanic Ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya suuqa xaagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu hal xilli ciyaareed xiddiga reer Bosnia ku qaatay kooxda Barcelona.

Miralem Pjanic ayaan ka qayb ahayn qorshaha Ronald Koeman ee xilli ciyaareedkan waxana uu haatan ku sii dhawaanayaa in uu isaga tago kooxda sida laga soo xigtay idaacada RAC1.

Isla RAC1 ayaa sheeaysa in uu Miralem Pjanic Ku laaban karo kooxdiisi hore ee Juventus oo uu wakhti fiican ku qaatay ka hor intii uuna ku soo biirin kooxda Barcelona xagaagii hore.

Idaacada ayaa sheegaysa in ay Barcelona iyo Juventus kulmeen todobaad ka hor iyaga oo ka wadahadalay suurtagalnimada ay isku dhaafsan karaan xiddigaha Miralem Pjanic Rodrigo Bentancur Marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa heli doonta xiddiga 23 jirka ah ee Rodrigo Bentancur halka uu Miralem Pjanic dib ugu laaban doono Juventus mid la mid ah heshiiskii ay labada kooxood isku dhaafsadeen xiddigaha Miralem Pjanic iyo Arthur xagaagii hore.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE