Bruno Fernandes Oo Man United U Tilmaamay Laba Xiddig Oo Ay La Soo Saxiixdaan Xagaaga.

Xiddiga Manchester United Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay kooxda inay la soo saxiixdaan daafac dhexe ah oo si dagan kubada u ciyaari kara iyo waliba daafaca dhexe oo khadka dhexe ah marka la gaadho suqua xagaaga la gaadho.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 27 gool sidoo kale caawiye ka noqday 17 kale tartamada oo dhan.

Fernandes ayaa doonaya in ay kooxdu horumar ka samayso horumar dhanka champions league iyo Premie League waliba kooxda xoojisa suuqa labadaas boosna iska xoojiso sida uu sheegay wargayska The Sun.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa doonaya in ay Man United u baahantahay daafac dhexe oo leh awood baas oo ka garab ciyaari kara daafaca Harry Maguire si ay ugu tartamaan koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale Bruno ayaa Man United u sheegay in ay keenaan daafaca dhexe oo khadka dhexe kana fiican xiddigaha haatan jooga si uu uga garab ciyaaro isaga iyo Paul Pogba.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE