Chelsea Oo Ka Fal Celisay Ku Guulaysiga Man City Ee Premeir League.

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah gacanta ugu dhigtay horyaalka premeir League kuna guulaystay koobka xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay Leicester City horyaalka premier League.

City ayaa u dabaal dagtay horyaalka iyada oo 3 kulan uga hadhsanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka 2020/2021 kaas oo ah xilli ciyaareed ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Kadib ku guulaysiga Man City ee horyaalka kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee dhigeeda Man City ugu Hambalyaysay ku guulayisga horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Chelsea ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qorta “Hambalyo Man City, waad u qalanteen ku guulaysiga horyaalka Premier League 2020/2021”.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE