Edinson Cavani Oo Man United Ka Hor Istaagaya Saxiixa Erling Haaland & Harry Kane, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Man United ayaa heshiis cusub oo hal sano ah ka saxiixatay weeraryahanka Edinson Cavani kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

United ayaa Heshiis 12 bilood ah ka saxiixatay xiddiga 34 jirka ah taas oo la macno ah in ayna Man United awood u lahayn in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Erling Haaland iyo Harry Kane suuqa xagaaga.

Cavani ayaa qalinka ku duugay heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 250 kun oo Gini taas oo ka dhigaysa xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Man United.

Sidaas darteed Man United ayaan bixin karin mushharka xiddigaha Haaland iyo Harry Kane kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixdeen xiddiga Edinson Cavani.

Cavani ayaa qaab ciyaareed fician ku soo bandhigay Man United xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu Solskjaer si cad u dalbado in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khabiirka ah.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE