Heshiis Dhacay: Barcelona Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeay.

Kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaartay daafaca Manchester City ee Eric Garcia sida ay xaqiijisay shabakada Goal.

Garcia ayaa si bilaash ah ugu dhaqaaqi doona Camp Nou marka qandaraaskiisa haatan ee City uu dhacayo dhamaadka bisha June.

20 jirkaan ayaa ka soo Akademiyada kooxda Barcelona ee La Masia ka hor inta uusan u dhaqaaqin Manchester 2017, laakiin wuxuu ku laaban doonaa Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga ka hor inta aanay bilaaban tartanka Euro 2020 oo uu xiddigu matali doono xulka qaranka Spain.

Garcia ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City isaga oo doortay in uu heshiis 5 sano ah ugu dhaqaaqo kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE