Hordhac: Levante Vs Barcelona: Blaugrana Oo Isha Ku Haysa Hogaanka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana tirsan todobaadkii 36-aad ee xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha horyaalka La Liga waliba si ku meel gaadh ah hogaanka ugu qabtaan horyaalka.

Dhanka kale kooxda Levante ayaa kulanka soo galaya iyaga oo u dagaalamaya sidii ay uga baxsan lahaayeen boosaska looga hadho tartanka La Liga ee xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Levante Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:000

Garoonka: Estadi Ciutat de València

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaa gaadhay guulaha ugu badan ee horyaalka La Liga iyaga oo leh 22 guul lana bar-baro ah kooxda Real Madrid kulamada ay la ciyaartay kooxda Levante taariikhda La Liga.

Levante ayaa badisay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barcelona kula ciyaartay garoonkeeda Estadi Ciutat de València waana in hal kulan ka badan 11-kii kulan ee hore.

Kooxda Barcelona ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 29-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Levante iyaga oo wadar ahaan ka dhaliyay 86 gool.

Levante ayaa laga badiyay 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga kadib markii ay kaliya guuldaro la kulmeen 4 kulan 22-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.


Source: laacibfm

SHARE