Hordhac: Man United Vs Leicester City: Man United Oo Ku Sii Dhawaan karta Man City.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay soo yareeyaan dhibcaha ay ka dambeeyaan kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Man City siina wadaan baacsiga ay ugu jiraan kooxda ay jaarka yihiin.

Dhanka kale Licester City oo natiijooyin xun heshay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka ayaa doonaysa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha horyaalka premier League.

Kulanka: Man United Vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man Utd ayaan laga badinin 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Leicester City.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxda Leicester City horyaalka premeir League isaga oo ka dhaliyay 5 gool kulamadii ugu dambeeyay.

Leicester ayaa shabaqa soo taabatay 15 ka mid ah 17 kulan oo ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda xilli ciyaareedkan, iyadoo aysan jirin koox shabaqa soo taabatay tartamo badan wakhtigaas.


Source: laacibfm

SHARE