Jamie Carragher & Gary Neville Oo Doortay Shaxdooda Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Khabiirada Sky Sport ee Jamie Carragher & Gary Neville ayaa soo xushay shaxdooda ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhamaadka xilli ciyaareedka premier League ayay kaliya ka dhimantahay 3 kulan waxana la soo afjari doonaa xilli ciyaareedka maalmaha yar ee soo socda.

Labada Halyeey ee Jamie Carragher & Gary Neville ayaa soo xushay shaxdooda ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyaga oo ka qayb qaadanayay barnaamijka Monday Night Football.

Shaxda Jamie Carragher ee ugu fiican premier League waxa xiddigaha ugu badan ku leh Kooxda Man City kuwaas oo ku leh 4 xiddig halka ay kooxaha Man United iyo Tottenham min 2 xiddig ku leeyihiin.

Sidoo kale kooxaha Aston Villa, Chelsea iyo West Ham ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Shaxda Gary Neville ee ugu fiican premier League kooxda Man City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 5 xiddig halka kooxda Man United oo ku xigta ay ku leedahay shaxda 4 xiddig.

Kooxaha Tottenham iyo chelsea ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig

Shaxda Jamie Carragher Ee Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka:

Shaxda Gary Neville Ee Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka:

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE