Jamie Carragher & Gary Neville Oo Magacaabay Tababaraha, Da’yarka & Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyada Kooxaha Man United iyo Liverpool ee Jamie Carragher & Gary Neville ahna khabiirada Sky Sport ayaa doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xilli Ciyaareedka horyaalka premier League ayaa ku jira kulamadii ugu dambeeyay iyada oo aad u dhawdahay in si Rasmi ah loo soo xidho xilli ciyaareedka 2020/2021.

Kooxda Man City ayaa qarka u saaran in ay ku guulaysato horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan iyaga oo helay 80 dhibcood 35 kulan oo ay kooxdu ciyaartay ilaa haatan.

Jamie Carragher & Gary Neville ayaa tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola u doortay tababaraha ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhanka xiddiga ugu fiican horyaalka premier League waxan ay u doorteen xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ruben Diaz kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayn khabiirkada Jamie Carragher & Gary Neville ayaa xiddiga kooxda Man City ee Phil Foden U Doortay Da’yarka ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE