Leicester City Oo 7 Sano Ka Dib United Ku Garaacday Old Trafford , Man City-na Si Rasmi Ah Ayay Horyaalka Ugu Guuleysteen

Leicester City ayaa 2/1 ku garaacday Man United waana markii ugu horeeysay 7 sano ka dib oo ay Old Trafford ku soo badinayaan waxaana ugu dambeeysay sanadkii 2014-kii

Sheekada qeybta hore: United iyo Leicester City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli qeybtaas hore  De Gea uu sameeyay bad baadinno cajiib ah

Si ayuu heer ciyaareedka labada koox isugu dhawaa qeybtaas hore inkastoo kooxda martida ah ay si weyn ugu soo dhawaanayeen aagga goosha kooxda Man United

United oo is badel weyn oo shaxda ah uu  jiray hadana ma xumeyn waxaana in yar la dareemayay in ciyaartooyda is fahan badan u dhaxeyn waxaana u sabab ah iyaga oo aan in badan garoonka soo wada galin

Kooxda martida  ayaa  ku horeeysay goolka kaasi oo cajiib ah xilli uu dhashay daqiiqaddii 10-aad halka kan United uu yimid daqiiqadii 15-aad waxaana meel fog ka toogtay Greenwood .

Guud ahaan, Leicester City ayay qeybtaas hore ka go`neyd in ay natiijada wax ka badalaan balse ma aysan dhicin

Soo laabashadii , ciyaarta waa iska daganeyd , biloowgiina ma jirrin halis gilin muuqata oo ay isku sameeyeen labada koox xilli United u janjeereen dhanka daafaca .

Kooxda martida si halista ka imaaneysay u xoojiyaan waxa ay daqiiqadii 65-aad soo giliyeen Madddison  halka United iyana si weerarka u dhaqaajiyaan waxa ay soo giliyee Cavani oo loo saaray Greenwood halka Rashfordna u soo galay waxaan lo badalay Elanga balse gool ayaa lagu soo dhaweeyay waxa ayna Leicester City heleen gool labaad daqiiqadii 66-aad

Ka dib goolkaas , kooxda martida ayaa wacneyd waliba gool sedexaad ayaa raadinayeen balse   go`aan qaadasho deg deg ah ayaa dileysay .

United oo xal weysanayed waxa ay daqiiqaidi 79-aad soo giliyeen Fernandes oo loo saarayAmad, wax aayan taasi keentay in kubadda soo gaarsiiyaan aagga goosha kooxda martida balse dhameystirka ayaa ka maqnaa , si waliba wax aay ciyaarta ku dhamaaty 2/1 oo looga badiyay United

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE