Levante Oo Barcelona Ka Hor Istaagtay In Ay Hogaanka U Qabato Horyaalka La Liga, Bar-Baro Ayay Ku Qabatay.

Kooxda Levante ayaa bar-baro lama filaan ah ku qabatay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kadib kulan xiiso leh oo ku dhamaaday bar-baro 3/3 ah.

Qaybta Hore:

Barcelona ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay ka go’antahay in ay guul ka gaadhaan kulankan hadii ay doonayaan in ay u sii tartamaan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Barcelona ayaa muujiyay ka go’naanshohooda bilowgii ciyaartaba iyaga oo Levante ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay doonayeen goolal.

Dhanka kale kooxda Levante ayaan ciyaarta si fiican ku bilaaban waxana ay ku dhibaatoonayeen in ay u babac dhigaan kooxda Barcelona kuwaas oo maamulayay ciyaarta.

Daqiqiadii 25-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale iyo waliba in ay wakhti hore dilaan ciyaarta si ay ua fogaadaan lama filaan uga yimaada Levante.

Daqiiqadii 35-aad ayay Barcelona sii dheeraystay hogaanka waxana u dhaliyay goolka xiddiga da’yarka ah ee Pedri kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyarta oo ay Barcelona ku dhamaystay qaybta hore qaab kalsooni leh una muuqdeen kuwo si fudud ciyaarta guul ku gaadhaya.

Qaybta dambe:

Laakiin wax walba waxa ay is badaleen qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo kooxda Levante ku soo gashay qaab ka duwan qaybtii hore waliba raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal.

Daqiiqadii 57-aad ayay Levante ka naxsatay Barcelona waxana ay dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gonzalo Melero kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Ciyaartu dib ugu furantay.

Xilli ayna Barcelona wali ka bixin naxdintii goolka 1-aad ayay Levante daqiiqadii 59-aad dhalisay goolka 2-aa ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xidiga Jose Luis Morales kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Kadib bar-baraha ay dhalisay Levante kooxda Barcelona ayaa hurdada ka kacday iyaga oo raadiyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal kale iyaga oo Kooxda ay martida u yihiin ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiqiadii 64-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay kooxda Barcelona ku hogaaminayso kulanka.

Kooxda Levante ayaan ka niyad jabin ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay waday isku daygooda ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 83-aad ayay Levante dhalisay goolka 3-aad ahna goolka bar-baraha ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 3/3 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona mar kale iska khasaarisay fursad ay hogaanka horyaalka La Liga ugu qaban lahayd qaab ku meel gaadh ah.


Source: laacibfm

SHARE