Man City Oo U Dabaal Dagtay Ku Guulaysiga Premier League Markii 7-aad Ee Taariikhdooda, Daawo Muuqaalka

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay Leicester City garaacda kooxda Man United oo ahayd kooxda ugu dhawayd.

Man City ayaa koobka kala wareegtay kooxda Liverpool oo ku guulaysatay xilli ciyaareedkii hore waxana ay markii 7-aad ee taariikhdooda ku guulaysteen horyaalka premier League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa heshay abaalmarinta xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaateen xilli ciyaareedkan waliba ahaayeen kooxda ugu fiican ee ciyaarta horyaalka premier League.

Kadib guuldaradii Man United kooxda Man City ayaa muuqaal khaas ah soo dhigtay bogeeda Twitter-ka iyaga oo halkaas ku dabaal dagay muuqaalkana ku soo xidhay koobka Premier League oo yaala bartamaha garoonka Etihad Staduim.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Man City soo dhigtay bogeeda Twitter-ka.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE