Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Harry Maguire Kadib Markii Uu Seegay Kulanka Leicester City.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warbixiyay xaalada daafaca Harry Maguire isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in uu seegi karo final-ka Europa league.

Maguire ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United guusha 3/1 ah ka gaadhay Aston Villa Axadii kadib markii uu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay.

Waxa jirtay warar sheegaya in uu Maguire ka maqnaan doono Man Unied kulamada ka dhiman xilli ciyaareedkan kuna jiro Final-ka Europa League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Solskjaer ayaa biyo qabaw ku shubay wararkaas isaga oo sheegay in uu filayo in uu daafaca dhexe ku soo laabto garoomada ka hor final-ka Europa League.

“Warka fiican ayaa ah in uuna Maguire soo gaadhin dhaawac jabniin ah”ayuu Solskjaer yidhi ka hor kulanka Leicester City.

“Waa dhaawac aan aad u xumayn waxana aan rajaynayaa in uu ciyaaro ka hor kulanka Final-ka Europa League”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE