RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Dhameeyay Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac cusub oo soo gaadhay xiddig kooxda 1-aad ah ka hor kulanka Granada ee horyaalka La Liga ee todobaadka 36-aad.

Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Granada Khamiista kulan ka tirsan horyaalka La Liga xilli ay kooxdu u dagaalamayso ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid aya xaqiijisay in uu dhaawac soo dhameeyay xilli ciyaareedkiisa soo gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ferland Mendy kaas oo maray baadhitaan lagu ogaadhay xaaldiisa.

Dhaawac soo gaadhay ayaa ah mid baabacda lugta ah kaas oo ka soo gaadhay kulankii chelsea ee champions League ee todobaadkii hore badalka lagu saaray.

Shabakada Gol ayaa sheegtay in uu dhaawaca soo gaadhay Mendy la macno tahay in uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka daafacu oo uuna ciyaari doonin kulamada u hadhay kooxda xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha,


Source: laacibfm

SHARE