Romelu Lukaku Oo Heegan Buuxa Galiyay Man City & Chelsea

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa Albaabka u furay ku laabashada Horyaalka premier League iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man City iyo Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

In kasta oo uu ku hogaamiyay wiilasha Antonio Conte Serie A-da xilli ciyaareedkan waliba dhaliyay 22 gool 9 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo uu ciyaaray hadana mustaqbalka Lukaku ee Inter Milan ayuu shaku ku jiraa.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa lala xidhiidhinayay bilihiiugu dambeeyay kuwaas oo la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga reer Belguim tan ilaa markii uu ku soo biiray Inter Milan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan xiddiga ku qiimayso lacag dhan 90 milyan oo euro marka loo eego in uu qiimihiisa suuqu kor u kacay kadib qaab ciyaareedka uu so bandhigay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Romelu Lukaku u furanyahay ku laabashada horyaalka premier League xagaaga iyada oo uu heshiiskiisa kooxda Inter Milan dhici doono xagaaga 2024.

Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha


Source: laacibfm

SHARE